Browsing Tag

Bari

Waqooyi Bari iyo Galmudug oo xabbad joojin ka hirgaliyay deegaanada lagu dagaalamay ee Galbeed Mudug

 Sabti, Juun, 29, 2024 (AX) - Wafdi ka kala socday Waqooyi Bari iyo Galmudug, ayaa ku guulaystay in xabbad joojin lakala dhex dhigo labo maleyshiyo beeleed oo ku dagaalamay degaanka Jiicboor ee Galbeedka gobolka Mudug, dagaalkaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca ku dhawaad 50 qof.Wafdiga ayaa  maalin ka hor gaaray goobihii dirirtu ka dhacday ee duleedka Jiicboor, iyagoo  ugasii gudbay Saaxo-qurun, waxaana safarka ujeeddadiisu ahayd sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dagaal beeleedka daba dheeraaday ee ka taagan…

Waqooyi Bari oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaalka galbeedka gobolka Mudug

 Khamiis, Juun, 27, 2024 (AX) - Maamulka Waqooyi Bari ayaa baaq nabadeed kasoo saaray colaadda ka taagan galbeedka gobolka Mudug, halkaas oo ay maanta ku dagaalamayaan maleyshiyaad kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug, kuwaas oo isku haysta dhul daaqsimeed.Hogaamiye ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Waqooyi Bari, Ilyaas Cilmi Lugatoor ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda iyo xabbadda ka socota galbeedka gobolka Mudug.Hogaamiye ku xigeenka wuxuu sheegay inay direen wafdi ka socday golayaasha maamulkooda, si…

Waqooyi Bari iyo dowlad degaanka Soomaalida oo qabtay shakabad tahriibisa dhallinyarada

 Arbaco, Juun, 26, 2024 (AX) - Askarta Booliiska dowlad goboleedka Waqooyi Bari iyo Askarta Booliska Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa iska kaashaday gacanta ku dhigidda shakabad ka shaqeysa tahriibinta dhallinyarada.Shakabadan ayaa la qabtay iyagoo waday koox dhallinyaro ah oo laga tahriibiyay deegaanada Waqooyi Bari, loona waday in Magafe loo gacan galiyo, kuwaas oo lagu qabtay degmada Qabri Dahar ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.War saxaafadeed kasoo baxay Booliiska Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay, in hay’adda…

Waqooyi Bari iyo Galmudug oo sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta dagaal beeleed ka socda bariga gobolka Mudug

 Isniin, Juun, 24, 2024 (AX) - Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Labi Maygaag oo dhaca bariga gobolka Mudug.Labada maleyshiyo beeleed ee dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Galmudug, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran deegaanka ah iyo aanooyin qabiil oo isbiirsaday.Waxaa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beel, taasoo galaafatay nolasha dad u badan dhinacyada…

Waqooyi Bari oo sheegtay in aysan jirin khatar xilligan kagasoo wajahan kooxda Daacish

 Khamiis, Juun, 20, 2024 (AX) - Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa meesha ka saaray khatarta ku saabsan in deeganadeeda ay kusii badanayaan kororka joogitaanka kooxda Daacish.Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Waqooyi Bari oo la hadlay warbaahinta AX ayaa u sheegay, in aysan jirin khatar amni oo xilligan Waqooyi Bari kagasoo wajahan Daacish, inkastoo ay sheegeen in Daacish ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah gobolka Bari.Saraakiishan ayaa ka gaabsaday inay xaqiijiyaan warka ku saabsan in hoggaamiyaha ugu sarreeya Daacish…

Waqooyi Bari oo gacanta ku dhigtay taliyihii burcad badeeddii madax furashada ka qaatay markabkii MV Abdalla

Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Askarta booliska Waqooyi Bari ee Gobolka Mudug oo magalada Galkacyo ka sameeyay howlgal ku saabsanaa la dagaalanka burcadbadeeda, ayaa gacanta Kusoo dhigay taliyihii hogaaminayay kooxdii burcad badeedda ee $5 Milan ee madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV Abdalla.Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee ee waqooyiga magalada Galkacyo, ayaa lagu soo qabtay Abshir Abdi kheyre Jowfe oo 38 jir, kaasoo ahaa taliyihii markabka MV Abddalla.Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug…

Waqooyi Bari oo xukunno ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal ku eedeysan inay sii daayeen Shabaab iyo Burcad badeed

 Talaado, Juun, 18, 2024 (AX) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Waqooyi Bari ayaa xukunno kala duwan ku ridday garsoorayaal iyo xeer ilaaliyaal katirsanaa maxkamaddaas, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sii daayeen maxaabiis u xirnaa inay katirsan yihiin burcad badeed iyo Shabaab.Maxkamadda ayaa garsoorayaashan iyo xeer ilaaliyaashan ku xukuntay midkiiba xukun u dhaxeeya 2 illaa shan sano oo xarig ciidan ah.Waxaa lagu eedeeyay inay laaluush ku qaateen sii daynta maxaabiis ah isugu jiray Shabaab iyo Burcad…

Waqooyi Bari oo xirtay mid kamid ah burcad badeeddii weerartay markabka MV Abdullah

 Isniin, Juun, 17, 2024 (AX) - Maxamed Suufi rasaas oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeeddii weerartay Markabkii MV Abdalla, kana mid ahaa ragii lacagta madax furashada ka qaatay markabkaas, ayay ciidanka booliiska Waqooyi Bari gacanta ku dhigeen.Askarta booliiska oo sheegay inay la socdeen xogta Maxamed Suufi Rasaas, ayaa sheegay inay ku qabteen magaalada Garawe halkaas oo uu ku dhuumaalaysanayey maalmihii lasoo dhaafay.Booliiska waxay sheegeen inuu kamid ahaa afduumashaayshii markabkii MV room, isaga oo markii…

Waqooyi Bari oo ku amartay dadka Itoobiyaanka ah ee Garowe ku sugan inay si degdeg uga baxaan

 Axad, Juun, 16, 2024 (AX) - Duqa degmada Garowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garowe inay si degdeg ah uga baxaan, haddii kale in tallaabo laga qaadayo.Geeddi wuxuu sheegay, in la joogo waqtigii magaalada Garowe laga saari lahaa Itoobiyaanka sharci darrada ku jooga, isagoo ku hanjabay ciddii aan amarka qaadan in iyagoo xirxiran la saaridoono.“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dadka Itoobiyaanka ah ee magaalada ku jooga sharci darrada. In badan waxaan ku dadaalnay in…

Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay in dib loo fasaxay mashaariicdii ka xanibnayd maamulka Waqooyi Bari

Isniin, Juun, 10, 2024 (AX) - Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa sheegay dowladda federaalku inay dib -u-bilowday mashaariicda horumarineed ee horay uga socday degaanada Waqooyi Bari.Wasiirka qorshaynta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku sheegay, in maamulka Waqooyi Bari uu horey si iskiis ah u hakiyay in mashaariicdan laga fuliyo degaanada Waqooyi Bari, balse hadda uu  ogolaaday in dib loo bilaabo.“Waxaan aad ugu faraxsanahay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More