Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in Shabaabkii lagu jebiyay Galmudug iyo Hirshabeelle ay isku urursadeen degaanada Waqooyi Bari

 
Isniin, May, 27, 2024 (AX) – Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, Shabaabkii looga adkaaday dagaalladii ka dhacay degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, in ay isku arursadeen buuralada gobolka Bari ee Waqooyi Bari.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo la hadlayay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay, in dowladda federaalka ay duullaan ku qaadday Shabaabkaas, kuwaas oo uu tilmaamay inay abaabulayeen weerarro ka dhan ah shacabka Waqooyi Bari.
Wasiir Caddaala wuxuu sheegay, howlgalkaan inuu ku yimid iskaashi dhexmaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Waqooyi Bari, isagoo intaas ku daray in howlgalkan uu ahaa mid muddo la qorshaynayay fulintiisa.
“Dhaqdhaaqyadooda iyo is-abaabulkooda aad ayaan ula soconay, gaar ahaan markii si weyn loogu jebiyay degaanadan Koofurta ee Hirshabeelle iyo Galmudug, ayay qaar kamid ah firxadkoodii meelahaas isku arursanayeen, waana la soconay xogtooda,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya.
Alcaddaala waxa uu sheegay, howlgalkaas in lagu qaarijiyay horjoogayaashii ugu sarreeyay xerooyinka ay ku arursanaayeen dagaalamayaasha Alshabaab, isagoo sheegay, dowladda federaalka in ay ka hortagtay dhagar ay Shabaabku maleegeeyeen.
Wasiirku kama hadlin in howlgalkan ay wax ka ogyihiin masuuliyiinta ugu sarreeya Waqooyi Bari, maaddaama uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhaxeeya Waqooyi Bari iyo dowladda federaalka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More