20 katirsan Shabaab iyo horjoogayaashooda oo lagu dilay howlgal ka dhacay buuraha Calmadow ee Waqooyi Bari

 
Axad, May, 26, 2024 (AX) – In ka badan 20 katirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay, tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Waqooyi Bari.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan sidoo kale lagu qaarijiyay 3 kamid ah horjoogayaasha Shabaab. kuwaas  oo ku dhuumaalaysanayay buuraha Calmadow.
Sida ay dowladdu sheegtay, Hawlgalkan ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay Shabaabku isku aruursanayeen taas oo ku taalla buuraha Calmadow, waxayna dowladda sheegtay in halkaasi lagu jabiyay dhagar ay maleegayeen Shabaabku.
Dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo ka taliyaa degaanada laga fuliyay duqeymahan weli kama uusan hadlin howlgalkan.
Xukumadda federaalka ma sheegin in Waqooyi Bari ay kaalin ku lahayd howgalka laga fuliyay degaanada gobolka Sanaag ee Calmadow.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More