Waqooyi Bari: Ma jiraan ciidamo federaalka katirsan oo Waqooyi Bari ka howgalla

 
Isniin, May, 27, 2024 (AX) – Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa si adag uga horyimid war kasoo baxay dowladda fedderaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen degaanada Calmadow ee gobolka Sanaag.
War saxaafadeed goor dhowayd kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay, in warkaasi uu yahay mid wax kama jiraan ah, iyadoo wasaaraddu tilmaamtay, in ay Waqooyi Bari amnigeeda ku filan tahay.
Waxaa kaloo wasaaradda warfaafinta Waqooyi Bari ay sheegtay inay Waqooyi Bari u taagan tahay ciribtirka kooxaha argigixisada.
Warkan kasoo baxay Waqooyi Bari, ayaa imaanaya, iyadoo wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Alcaddaala uu sheegay in Shabaabkii looga adkaaday dagaalladii ka dhacay degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, in ay isku arursadeen buuralada gobolka Bari ee Waqooyi Bari.
Wasiirku wuxuu sheegay, in howlgalka ka dhacay Calmadow uu ku yimid iskaashi dhex maray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Waqooyi Bari, uuna aha howlgal muddo la qorshaynayay fulintiisa.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More