Hogaamiye Deni: Waqooyi Bari waxay diyaar u tahay garnaqsi, laakiin la isma maquunin karo

 
Arbaco, May, 22, 2024 (AX) – Hogaamiyaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay, in Waqooyi Bari ay diyaar u tahay wada hadal iyo garnaqsi ku aaddan halka ay dowladnimada Soomaaliya u socoto, hase ahaatee waxaa uu sheegay in aan xoog la isku maquunin karin.
Hogaamiye Deni waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay weli Waqooyi Bari ku hayso fara galin siyaasadeed, si ay saamayn ugu yeelato arrimaha gudaha Waqooyi Bari. Wuxuu kaloo sheegay dowladda federaalka inay legdan kula jirto Waqooyi Bari.
“La isma muquunin karo, la’ ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo halaga wada hadlo. Waqooyi Bari waxay diyaar u tahay garnqqsi, waxay diyaar u tahay inay garbaxdo,” ayuu yiri Hogaamiye Deni.
Deni wuxuu sheegay haddii laga garyeesho inuu qaadanayo gartiisa, waxaase uu sheegay in ay doonayaan in garnaqsiga ay saldhig u noqdaan sharuucda iyo xeerarka dowadnimo ee heshiiska lagu yahay.
Khilaafka Waqooyi Bari iyo dowladda federaalka ayaa taagan muddo ku dhow labo sano. Sidaas oo kale, Waqooyi Bari waxay sanadihii kasii horraysay uu khilaaf kala dhaxeeyay dowladdii madaxweyne Farmaajo.
Arrimaha ugu badan ee la isku hayo ayaa ah hannaanka doorashooyinka heer federaalka. Dad siyaasada u dhuun daloola ayaa aaminsan in madaxweyne Deni oo uu damac weyn kaga jiro doorashada 2026, ay adag tahay in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheikh uu heshiis dhex maro.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More