Laamaha amniga Waqooyi Bari oo qabtay dhalinyaro geysatay falal amni darro ah oo laga abaabulay barta Tiktok

Sabti, September, 7, 2024 (AX) – Laamaha ammaanka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen koox dhallinyaro ah oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan beegsi ka dhan ah dhallinyarada kasoo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan beesha Ogaadeeniya.

Falalka beegsiga ah ayaa ka dhacay magaalada Garowe dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana ay la xiriiraan dhacdo dhawaan ka dhacday magaalada Nayrobi, kaddib markii koox dhalinyaro ah oo reer Nayrobi ah ay wiil dhalinyaro oo kasoo jeeda Garowe ku jirdileen oo ay muuqaal ka duubeen, taasoo keentay in falal nuucaas oo kale ah ay ka dhacaan magaalada Garowe.

Dad badan oo ku nool Garowe oo kasoo jeeda beesha Ogaadeeniya ayay saamayn ku yeesheen dhacdooyinkaan, kuwaas oo laga abaabulay barta TikTok. Waxaa la rumeysan yahay in dhacdooyinkan ay qeyb ka yihiin qorsheyaal lagu doonayo in lagu abuuro colaad bulshada labada dhinac ah.

Laamaha amniga Garowe ayaa xaqiijiyay in dhowr dhalinyaro ah loo xiray inay ka dambeeyaan falalkan, waxaana maanta lagu waday in lagu horkeeno maxkamadda gobolka Nugaal. balse way baaqatay.

Iyadoo arintan si weyn loo hadal hayo, ayaa nabadoonada iyo hay’adaha amniga Waqooyi Bari waxay maanta shir degdeg ah ku yeesheen  magaalada Garowe, waxayna ku dhawaaqeen in tallaabooyin adag laga qaadi doono cidkasta oo dhibaato geysta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More