Skip to content
Sunday, November 1, 2026 20 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 25°C
Breaking: EU Naval Mission oo baaraya wararka sheegaya in markab laga leeyahay Iran lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukun kala duwan ku riday askar ka tirsaneyd ciidanka dowladda

Follow
Newsroom published Updated 2 years ago 1-minute read
Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukun kala duwan ku riday askar ka tirsaneyd ciidanka dowladda

Axad, September, 8, 2024 (AX) – Maxkamadda sare ee Ciidmada Qalabka Sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday laba askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa xukun dil toogasho ku riday Dable Nisa Mahad Cali Cabdi oo ah qisaasta Marxmuun Cabdiraxmaan Cismaan Muuse, halka Dable Bol Cadnaan Muuse Maxamed Maxkamaddu ku xukuntay lix sano oo xabsi ciidan ah.

- Advertisement -

Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse ayaa 27-kii bishii lixaad ee sanadkaan u geeriyooday is rasaaseyn dhex martay labada askari ee maanta lagu kala xukumay toogashada iyo xabsiga lixda sano, xili uu ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse ayaa horay racfaan uga soo qaatay xukun Maxkamadda darajada Koowaad ay horey ugu riday labadaan askari 28-kii bshii August.

Ugu dambeynti Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay xukunka labadaan nin.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes