Skip to content
Monday, September 21, 2026 8 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:51
Muqdisho 26°C
Breaking: Somalia’s Lower House Speaker Urges Stronger Enforcement as Piracy Resurges Off Somalia
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Maxkamadda gobolka Galgaduud oo maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay askari horay dil u geystay

Follow
Newsroom published Updated 2 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Maxkamadda gobolka Galgaduud oo maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay askari horay dil u geystay

Sabti, September, 7, 2024 (AX) – Waxaa maanta fagaare ku yaala magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud xukun dil toogasho ah lagula fuliyay askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Askarigaan xukunka dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Kaafi Cabdi, kaasoo maalmo kooban ka hor ka hor qirtay Maxkamadda gobolka Galgaduud inu si bareer ah uu u dilay marxuum lagu magacaabi jiray Duraan Jaamac Maxamed.

- Advertisement -

Toogashada Maxamed Kaafi ayaa kusoo aadeysa, kadib markii uu Maxkamadda gobolka Galgaduud uu ka hor dalbaday in lagu fuliyo dil toogasho oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay.

Goobta toogashada ka dhacday waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan maxkamadda gobolka Galgaduud iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo sheegay in qof kasta oo dil bareer ah geysta ciqaabtiisa ay noqon doonto in isna la toogto.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sanadkan kaliya waxaa lagu toogtay ku dhawaad 10 ruux oo lagu helay iney dilal bareer ah u geysteen dad isugu jiray askar iyo shacab, waxaana taasi ay timid kadib markii odayaasha magaaladaas ay isku raaceen in shareecada islaamka lagu fuliyo qofkii qof dila.

How do you rate this story?

0 votes