U bood qoraalka
Sunday, October 25, 2026 13 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 27°C
Deg-deg: In ka badan 2,000 qof ayaa ka qaxay iska horimaadyo ka dhacay Itoobiya, iyadoo tirada dhimashadu korodhay
Warar Deg-deg ah
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Ciidanka DFS & Al-Shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Shabeelah

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Al-Shabaab-oo-sheegtay-in-Gaari-Dagaal-ay-ka-gubtay-Ciidanka

Ciidamada Militariga DFS iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanno u dhaxeeya Balcad iyo Basra Gobolka Shabeelaha Dhexe oo katirsan DG Hir-Shabeelle.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo katirsan Militariga DFS Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka sameeyeen deegaanno la sheegay in ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

- Advertisement -

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay duulooyin hoostaga Deegaanka Basra sida Axadle ay u xaqiiyeen ilo xog ogaal ah, waxaana ka dhashay khasaare badi gaaray dhinacyada dagaalamay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar Jidgal ah ay ku qaaday kolonyo gaadiid dagaal ah oo ay wateen Ciidamada Dowladda Federaalka, isla markaana mararay wadada isku xirta Basra & Balcad.

Kolonyada Ciidamada ayaa mareysay inta u dhaxeysa Basra & Balcad, waxaana Al-Shabaab sheegatay in ay gubtay mid kamid ah Gawaarida ciidanka gaar ahaan nuuca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha.

Dowladda Federaalka kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay weerar jidgal ah ku qaaday, isla markaana ay gubtay gaari ay wateen militariga Soomaaliya oo howlgalkaas qayb ka ahaa.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa inta u dhaxeysa labada Shabeelle u arka in weerarada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe kasoo abaabusho deegaannada ka xiga dhanka Shabeelaha Hoose.

Axadle

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes