“Mourinho Ayay Baska Ka Tuureen, Haddana Solskjaer Ayay La
Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa waxa uu sheegay in dhawr ciyaartoy oo Red Devils ka tirsan ay ka shaqaynayaan sidii shaqada looga eryi lahaa tababare Ole Gunnar Solskjaer, kuwaas oo qaabka liidata ee ay u ciyaarayaan ka dhigan tahay in macallinkan seeftu qaaddo.Manchester United ayaa Axaddii waxay la kulantay guul-darradii ugu xumayd ee kasoo gaadha Premier League, waxaana 6-1 ku karbaashtay Tottenham iyadoo qaybta horena ku dhamaatay 4-1, taas oo ahayd bahdilaad halkii ugu dambaysay.Roy Keane oo…