Ciidanka Burundi oo Haweeney ku toogtay Gobolka Shabeelaha
Sawir hore Askarta Burundi
Askar katirsan Ciidamada Burundi ee xiran Koofida Cagaaran Howlgalka Ururka Midowga Afrika AMISOM ayaa qarax loo dhigay inta u dhaxeysa Degmooyinka Mahadaay & Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Mid kamid ah Gawaarida Askarta Burundi ayaa dul maray Miino Jidka la geliyay, qaraxa kadib waxa ay rideen rasaas qaarkood ka dhaceysay qoryaha Gawaaridooda ku xiran & kuwa Askarta ay wataan.
Ciidamada Burundi ayaa ka degay Gawaarida, waxaana gudaha ay u galeen xaafadaha Deegaanka Buurane oo ah halka lagu qarxiyay iyaga oo toogtay mid kamid ah haweenka deegaankaas.
Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Axadle ayaa u sheegay in si bareer ah Haweeneyda ay u toogteen Ciidamada katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dalka Burundi.
“Ciidamada Burundi oo lagu qarxiyay meel 5 KM u jirta deegaanka Buurane ayaa toogtay Haweeney ay horay uga dileen Seygeeda kadib markii sidaan oo kale qarax loo dhigay, Maydkeeda waxa uu yaalla deegaanka, dadka ayaa ka dibad-baxaya falka Askarta ay sameeyeen, sidoo kale waxa ay jirdileen Haweeney Xaamilo ah (Uur leh) oo loo qaaday Degmada Jowhar” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay qof kamid ah dadka deegaanka.
Askarta qaraxa loo dhigay ayaa si maalinle ah biyo uga qaada Garoonka Diyaaradaha Jowhar oo ay saldhig ku leeyihiin si ay ugu geeyaan Ciidamada kale ee ku sugan Degmada Mahadaay Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Midowga Afrika ayaa xiliyada qaraxyada loo dhigo rida rasaas waxyeelo u geysata dadka shacabka ee ku sugan deegaannada ka dhaw halka lagu qarxiyo.
Ilaa haatan kama aysan hadlin maamulka Hir-Shabeelle, DFS & hoggaanka AMISOM, balse dhacdo tan lamid ah ayaa dhawaan ka dhacday Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho, kadib markii isla Ciidanka Burundi oo qarax loo dhigay ay toogteen dad rayid ah, waxaana sidaasi qiray howlgalka ay wakiilka ka yihiin.
Axadle.