50ka Difaac Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan Oo La
Xiddiga dhaawaca kaga maqan Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa lumiyey booska koowaad ee difaacyahannada ugu wanaagsan dunida waqtigan, waxaana soo baxday qiimayntii ugu dambaysay ee waxqabadka laacibiinta khadka dambe ee goolka ilaaliya.
Van Dijk oo toddobaadkan haysata hadal-haynta ugu badan kaddib dhaawac culus oo soo gaadhay ayaa in muddo ah soo haystay difaaca ugu fiican dunida, waxaanu hoggaaminayay qiimayn kasta, laakiin qiimayntan ugu dambaysay ayaa uu xataa ka maqan yahay tobanka laacib ee ugu wanaagsan.
29 jirkan oo Liveprool ay January 2018 kaga soo iibsatay Southampton lacag dhanayd £75 milyan oo Gini, ayaa afartii ciyaarood ee ugu horreeyey ee uu u saftay kooxdiisa waxa laga soo dhaliyey goolal badan, iyadoo uu qayb ka ahaa xiddigihii ay Aston Villa 7-2 ugu dhiibtay Villa Park laba toddobaad ka hor.
Halyeyga Danny Murphy ayaa furay dood ah difaacyahannada ugu wanaagsanaa horyaalka Premier League abid, waxaanu Van Dijk ka dhigay midkii ugu fiicnaa taariikhda isagoo xataa ka sarreysiiyey vaincent Komapnay, Rio Ferdinand iyo John Terry.
Haddaba, qiimayntii ugu dambaysay ee la sameeyey oo ay soo saartay FootballCritic ayaa waxay muujisay in Van Dijk aanu xataa ka mid ahayn 10ka difaac ee ugu wanaagsan dunida, waxaanu fadhiyaa booska 12aad.
Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa noqday difaaca ugu wanaagsan ee qiimayntan ugu dambaysay, waxaanu hoggaaminayaa liiska 50ka difaac ee waqti xaadirkan ugu wanaagsan oo la shaaciyey.
Sergio Ramos ayaa qiimayntan ka helay darajada 96 dhibcood, waxaana kusoo xiga difaaca Barcelona ee Gerard Pique oo 92 dhibcood haysta iyo Sven Bender oo Bayer Leverkusen ah oo ay isku mid yihiin, halka Dayot Upamecano iyo Presnel Kimpembe ay afraad iyo shanaad ku kala jiraan oo ay isku qiimayn yihiin.
Halkan kaga bogo qiimaynta 50ka difaac ee ugu wanaagsan dunida:
50. Ruben Dias (Manchester City): 81 rating
49. Nico Elvedi (Borussia Monchengladbach): 81 rating
48. Nicolas Otamendi (Benfica): 81 rating
47. Tyrone Mings (Aston Villa): 81 rating
46. Manuel Akanji (Borussia Dortmund): 81 rating
45. Yerry Mina (Everton): 81 rating
44. Murilo Cerqueira (Lokomotiv Moscow): 81 rating
43. Pedro Bigas (Eibar): 81 rating
42. Matthijs de Ligt (Juventus): 81 rating
41. Jan Vertonghen (Benfica): 82 rating
40. Joe Gomez (Liverpool): 82 rating
39. Andreas Christensen (Chelsea): 82 rating
38. Nikola Maksimovic (Napoli): 82 rating
37. Kalidou Koulibaly (Napoli): 82 rating
36. Diego Carlos (Sevilla): 82 rating
35. James Tarkowski (Burnley): 82 rating
34. Jonny Evans (Leicester City): 82 rating
33. Felipe (Atletico Madrid): 82 rating
32. Joseph Aidoo (Celta): 82 rating
31. Stefan Savic (Atletico Madrid): 82 rating
30. Thiago Heleno (Paranaense): 82 rating
29. Felix Uduokhai (Augsburg): 82 rating
28. John Brooks (Wolfsburg): 83 rating
27. Jonathan Tah (Bayer Leverkusen): 83 rating
26. Stefan de Vrij (Inter Milan): 83 rating
25. Aymeric Laporte (Manchester City): 83 rating
24. Simon Kjaer (AC Milan): 83 rating
23. Dimitrios Siovas (Huesca): 83 rating
22. Kurt Zouma (Chelsea): 83 rating
21. Robin Le Normand (Real Sociedad): 84 rating
20. Harry Maguire (Manchester United): 84 rating
19. Fernandinho (Manchester City): 84 rating
18. Clement Lenglet (Barcelona): 84 rating
17. Caglar Soyuncu (Leicester City): 84 rating
16. Matthias Ginter (Bayer Leverkusen): 84 rating
15. Michael Keane (Everton): 85 rating
14. Jules Kounde (Sevilla): 85 rating
13. Edmond Tapsoba (Bayer Leverkusen): 86 rating
12. Virgil van Dijk (Liverpool): 86 rating
11. Jerome Boateng (Bayern Munich): 86 rating
10. David Alaba (Bayern Munich): 86 rating
9. Pau Torres (Villarreal): 86 rating
8. Marquinhos (Paris Saint-Germain): 87 rating
7. Raphael Varane (Real Madrid): 87 rating
6. Mats Hummels (Borussia Dortmund): 87 rating
5. Presnel Kimpembe (Paris Saint-Germain): 88 rating
4. Dayot Upamecano (RB Leipzig): 88 rating
3. Sven Bender (Bayer Leverkusen): 89 rating
2. Gerard Pique (Barcelona): 92 rating
1. Sergio Ramos (Real Madrid): 96 rating