“Final Ayay Noo Tahay Ciyaarta Inter Milan” – Zinedine
Zinedine Zidane ayaa sheegay in kulanka Champions League ee Salaasada habeen dambe ay ku martigelin doonaan Inter Milan uu uga dhigan yahay sidii Final oo kale, isla markaana ay nafta u huri doonaan sidii ay guul uga keeni lahaayeen.Guul-darradii Shakhtar Donetsk ee kulankii furitaanka iyo barbarrihii ay waqtiga dambe u dagaallameen ee Borussia Monchenglandbach ayay Real Madrid soo ciyaartay, waxaanay haystaa hal dhibic oo kaliya iyadoo ah kooxda ugu hoosaysa Groupkan.Zidane oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu galabta ku…