Golaha shacabka oo ansixiyay sharciga dhismaha hay’adda

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan kooda caadiga ahaa ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulankooda ay ku ansixiyeen sharciga dhismaha hay’adda diiwaan galimta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay Shir Guddominayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka Koowaad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa waxaa lagu ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa goobjog ka ahaa 143 Mudane waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwangelinta Iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaliyeed majirin wax diiday ama ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in sharciga uu ansax yahay, waxaana uu u mahad celiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Dhanka Kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad Marsiiyey  Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka (Immigratin Bill), iyada oo lagu balamay in dib la isugu soo laabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More