Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 27°C
Breaking: About 1,400 Yemenis Flee to Djibouti Within 24 Hours
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

In ka badan 100 xisbi oo si KMG u diiwaan gashan 51 sano ka

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 5-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~5 min audio

Xafiiska Diiwaan galinta Xisbiyadda Siyaasadda ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa Sadexdii sano ee la soo dhaafay waxa uu si KMG ah u diiwaangeliyey 106 xisbi siyaasadeed ka dib 51 sano oo laga joogo markii lalaay nidaamka Xisbiyada badan ee Soomaaliya.

29 May 2017, ayaa Markii ugu horreysay waxaa magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya, Xafiiskaan waxaa shaqadiisu waXa ay tahay inuu dalka gaarsiiyo nidaamka aXsaabta oo uu ka saaro kan hadda jira ee awood-qeybsiga beelaha ee ku salaysan qaabka 4.5.

- Advertisement -

Waxaana Xusid mudan in Xisbiyada sida KMG ah loo diiwaangeliyey ay  Xaq u leeyihiin in ay kulamo ay isku abaabulayaan sidii ay ku gaari lahaayeen diiwaangelin dhamaystiran oo ay noqo lahaayeen Xisbiyo rasmi ah oo ka diiwaangashan.

Halkaan ka aqri xisbiyadda siyaasadda ee sida KMG ah u diiwaan gashan.

Xisbiga Garsoor
Xisbiga Midnimada iyo Demoqoraadiyadda
Xisbiga Ummadda Soomaaliyeed
Xisbiga Qaranka ee Dimuqraadiga
Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed
Xisbiga horumarinta
Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed
Xisbiga sinaanta ammaanka iyo midnimo u ololeynta
Xisbiga caddaaladda & midnimada
Xisbiga Wadajir
Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka
Xisbiga Caddaaladda iyo Badbaadada
Xisbiga Shakhsiyadda & Waddaniyadda Soomaaliyeed
Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Xisbiga Xal-qaran
Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed
Xisbiga Xoriyadda
Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed
Xisbiga Midnimo-Qaran
Xisbiga Dalka iyo Dadka
Xisbiga Isbaheysiga Isbaddeldoonka Soomaaliyeed
Xisbiga Ilays
Xisbiga cadaaladda & horumarka
Xisbiga Jiinka iyo Xeebaha
Xisbiga Sinnaanta Midnimada Nabadda
Xisbiga Qiimo Qaran
Xisbiga Hormarinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed
Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka
Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed
Xisbiga Nabadda
Xisbiga Daryeelka Soomaaliyeed
Xisbiga Himilo Qaran
Xisbiga Samadoon
Xisbiga Daldhis
Xisbiga U hiili Dadkaaga
Xisbiga Midowga Qaranka Soomaaliyeed
Xisbiga Siyaasadda Dhalinyarada Soomaaliyeed
Xisbiga Aayaha Shacabka Soomaaliyeed
Xisbiga Isbahaysiga Soomaaliyeed
Xisbiga Kulan
Xisbiga Horusocod Qaran
Xisbiga Midnimada Soomaaliyeed
Xisbiga dowlad Wanaag
Xisbiga nabada Dimoqraadiyada iyo Midnimada
Xisbiga Dhalinyarada Qaranka
Xisbiga Haldoor
Xisbiga Isbahaysiga Qaranka Soomaaliyeed
Xisbiga Awoodda Shacabka
Xisbiga Nabadda iyo Cadaaladda
Xisbiga Daryeel Qaran
Xisbiga Gurmad
Xisbiga Han iyo Hannaan Qaran
Xisbiga Rajo Soo Celinta Somaaliyeed
Xisbiga Tala Wadaag
Xisbiga Golaha Dimuqraadiyada Qaran
Xisbiga Badbaadada Shacabka Soomaaliyeed
Xisbiga Waddaniga Soomaaliyeed
Xisbiga Horu-socodka Shaqaalaha Somaaliyeed
Xisbiga Qaran
Xisbiga Dhaqaaqa Soomaliyeed
Xisbiga sanu
Xisbiga Midnimada Shacabka
Xisbiga Hogaan Qaran
Xisbiga Isbhaysiga Cadaalada iyo Sinaanta
Xisbiga SamatabiXinta Ummadda Soomaaliyeed
Xisbiga Cadaalada iyo dib U dhiska Soomaliyeed
Xisbiga Wadatashi Qaran
Xisbiga Horseed
Xisbiga Midnimada Maan deeq
Xisbiga Hormarinta Amniga iyo Dimuqraadiyada
Xisbiga Midnimada Ummadda Soomaaliyeed
Xisbiga Dimuqraadiga Dugaal
Xisbiga Horyaal Qaran
Xisbiga Hilaac
Xisbiga Hiigsi Qaran
Xisbiga Caddaaladda Bulshada
Xisbiga maandeeq
Xisbiga Tubta Toosan
Xisbiga Hiil Qaran
Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Danwadaag
Xisbiga Danaha Bulshada Soomaaliyeed
Xisbiga Hilow
Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka
Xisbiga Cadaalada Hormarinta Dimuqraadiyadda iyo Isqadarinta
Xisbiga bulshada dimoqaraadiga soomaaliyeed
Xisbiga Soomaalinimo
Xisbiga Badbaado Qaran
Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabada
Xisbiga Nolosha & Cadaaladda
Xisbiga Malaalaha Midoobay
Xisbiga Wadaniga ee Israac
Xisbiga Isbedelka Dimoqraadiga ah
Xisbiga hayaan
Xisbiga Dhulka Hooyo
Xisbiga Dhalinyarada Soomaaliyeed
Xisbiga Siyaasadeedka Hogaanshe
Xisbiga Astaan Qaran
Xisbiga dib u Heshiisiinta iyo Horumarinta
Xisbiga Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka Soomaaliyeed
Xisbiga Runta iyo Caddaaladda
Xisbiga Amniga Iyo Cadaalaadda
Xisbiga Qaransoor
Xisbiga Cadaaladda Iyo Dib-U-Heshiisiinta
Xisbiga Jamhuuriga Soomaaliyeed
Xisbiga Cagaaran Ee Soomaliyeed
Xisbiga Nabadda Iyo Midnimada

Maxay yihiin shuruudaha Isdiiwaangalinta Xisbiyadda Siyaasadda Soomaaliya?.

Diiwaangalinta Xisbiyada wuxuu sharciga u qaybinayaa labo heer oo kala ah:-

Diiwaangalinta kumeel-gaarka ah
Diiwaangalinta Rasmiga ah

Diiwaangalinta Kumeelgaarka ah

Sharciga xisbiyada siyaasadda ee 2016 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sharci No. 19, qodobkiisa 5aad waxaa uu qorayaa shuruudaha diiwaangalinta kumeelgaarka ah.
Codsiga diiwaangelinta kumeel-gaarka ah ee xisbi siyaasadeed waa in ay ka muuqdaan arrimaha soo socda:
Maxdar qoraalka kulankii ugu horeeyay oo ay yeesheen xubnaha xisbiga asaasay oo saxiixan;
Magaca xisbiga siyaasadeed oo buuxa iyo isagoo lasoo gaabiyay haddii uu codsado xisbigu.
Lifaaq nuqul dastuurka xisbiga siyaasadeed sida ku xusan qeybta 9aad ee sharcigan;
Ballanqaad sugaya dhowrista iyo ku-dhaqanka sharcigan iyo habdhaqanka lagu xusay jadwalka koowaad ee isla sharcigan.
Qoraal caddeynaya habka xisbigu u xallinayo khilaafaadkiisa gudaha oo la waafajiyay jadwalka 8aad ee sharcigan.
Khidmada diiwaangelinta kumeel-gaarka ah oo ah lacag ah 10 malyan ShSo. Oo u dhiganta shan boqol ($500).

Codsi ku qoran warqad leh astaanta rasmiga ee xisbiga.

Haddii diiwaangeliyihu arko in aan shuruuduhu buuxin wuxuu xisbiga qoraal ku siinayaa shan iyo toban maalmood (15) oo ka bilaabaneysa maalinta uu codsiga soo gudbiyo si ay u soo buuxiyaan shuruudaha ka dhiman.

Shahaadada Diiwaangelinta kumeel-gaarka ah waxaa codsadayaasha lagu siinayaa 30 maalmood gudahood haddii ay soo buuxiyaan shuruudaha sare ku xusan ee sharcigan.

Shuruudaha Diiwaangalinta Rasmiga ah

Xisbi si kumeelgaar ah loo diiwaangaliyay ayaa wuxuu soo codsankaraa diiwaangalin rasmi ah.
Sharciga xisbiyada siyaasadda ee 2016 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sharci No. 19, qodobkiisa 6aad waxaa uu qorayaa shuruudaha diiwaangalinta rasmiga ah.
Codsiga diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbiga waa inuu ahaadaa qoraal uu saxiixay guddoomiyaha xisbiga ama cidda uu u wakiisho.

Xisbi siyaasadeed si kumeel-gaar ah loo diiwaangeliyay, waxaa si rasmi ah loo diiwaangalin karaa markii: –

Tirada xubnaha saxiixayaashiisa dhan yihiin ugu yaraan toban kun qof (10,000) oo codbixiyeyaal ah kana diiwaangashan ugu yaraan sagaal ka mid ah 18kii gobol ee horay u jiray 1991-kii, taas oo waafaqsan qodobka 49aad, faq (1) ee dastuurka kumeel-gaar ah.

Xubnaha lagu sheegay faq (a) ee qodobkan waa in ay ka muuqdaan gobollada, beelaha, isu dheellitirnaanta jinsiga, matalaada dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la hayb sooco.

Golaha fulinta ee xisbiga waa in ay ka muuqataa isku dheellitirnaanta gobollada, beelaha, jinsiga, dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la hayb sooco si waafaqsan qodobka 11-aad ee dastuurka federaalka ah iyo Qodobka 4 (2) ee sharcigaan.

Waa in la muujiyaa in xubnaha golaha fulinta in ay buuxiyeen mid la mid ah shuruudaha ku xusan qodobka 58 ee dastuurka kumeel-gaarka.

Xisbiga siyaasadeed ama ururrada waa in aanay noqon kuwa ka soo horjeeda shareecada islaamka, sidoo kale waa inaysan adeegsan ereyo gaf iyo xadgudub ku ah xisbiyada kale iyo maammulladooda.

Waa in uu u soo gudbiyaa xafiiska madaxa bannaan ee diiwaangeliyaha: – Magacyada, cinwaannada, calaamaddaha gaarka ah ee qof lagu aqoonsan karo iyo xilliga xubin kasta ka mid noqotay xisbiga, Meesha ay ku yaallaan xafiiska dhexe iyo laamaha xisbiga, cinwaannadooda, talefoonnadooda iyo emaillada- lagala xiriiri karo, Baaqa guud iyo dastuurka xisbiga oo waafaqsan jadwallada 3 iyo 4 iyo xeer hoosaadka doorashooyinka iyo magacaabista xisbiga dhexdiisa.

Waa in ay leeyihiin nidaam dhammaystiran, faahfaahsan oo ay ku xalliyaan khilaafka xisbiga iyagoo tixraacaya kuna dhaqmaya jadwalka 8-aad ee sharcigan iyo xeerarka u degsan xisbiga gudihiisa.

Waa Inuu bixiyo khidmadda diiwaangelinta lacag dhan 20 malyan oo ShSo oo u dhiganta kun ($1000) oo uu qabtay xafiiska diiwaangeliyaha.

Qof aan ahayn muwaaddin Soomaaliyeed xubin kama noqon karo xilna kama qaban karo xisbi siyaasadeed oo Soomaali ah.

Xisbiga buuxiya shuruudaha diiwaangelinta ee ku xusan faqradda 2-aad ee sharcigan 30 maalmood gudahood, diiwaangeliyuhu wuxuu ku siinayaa shahaado diiwaangelin rasmi ah, waxaana meesha ka baxeysa shahaadadii kumeel-gaarka aheyd ee hore loo siiyay.

19-Sharciga-Axsaabta-Siyaasadda-Dalka-2

Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

How do you rate this story?

0 votes