Harry Kane Oo Si Dadban U Shaaciyey Inuu Ka Tegayo Tottenham & Sababta
Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa si dadban u shaaciyey in uu xagaagan ka tegayo kooxdiisa Tottenham, kaddib markii uu cimrigiisa oo dhan kusoo qaatay koobab la’aan.Harry Kane oo toddobaadkan la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga sannadka ee London Soccer awards, ayaa waxa uu tilmaamay in walaac ka hayo sida ay kooxdiisa Tottenham u tahay koobab la’aanta.Gool-dhaliyahan oo heshiiskii cusbaa ee uu Tottenham u saxeexay uu ku eg yahay xagaaga 2024, ayay bisha July da’diisu noqon doontaa 28 jir, waxaanay taasi ka…