Wareysi: Qoor Qoor oo ka warbixinaya go’aanka lagu diiday muddo kordhinta – Axadle
Muqdisho (Axadle) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sharaxaad ka bixiyay go’aankii maanta ay gaareen Galmudug iyo HirShabeelle ee ay kaga soo horjeesteen mudo kororsiga dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in mowqifka Galmudug uu yahay mid horey u cadaa isla markaana uu horay u sheegay inuusan ogolaan doonin waqti kordhin.
Qoor Qoor oo wareysi siiyay idaacada VOA ayaa mar wax laga weydiiyay sababta aysan horay uga soo horjeedin muddo kordhinta wuxuu sheegay inay ka wada hadleen oo ay la…