Harry Kane Oo Si Dadban U Shaaciyey Inuu Ka Tegayo Tottenham & Sababta

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa si dadban u shaaciyey in uu xagaagan ka tegayo kooxdiisa Tottenham, kaddib markii uu cimrigiisa oo dhan kusoo qaatay koobab la’aan.

Harry Kane oo toddobaadkan la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga sannadka ee London Soccer awards, ayaa waxa uu tilmaamay in walaac ka hayo sida ay kooxdiisa Tottenham u tahay koobab la’aanta.

Gool-dhaliyahan oo heshiiskii cusbaa ee uu Tottenham u saxeexay uu ku eg yahay xagaaga 2024, ayay bisha July da’diisu noqon doontaa 28 jir, waxaanay taasi ka dhigan tahay in uu gelayo wajigii ugu dambeeyey ee xirfaddiisa iyo halkii ugu sarraysay ee uu ugu fiicnaa oo uu hadda taagan yahay.

Iyadoo ay da’diisu tahay 28 jir, Tottenham oo u muuqata in aanay u muuqanin in wax koobab ah ay ku guuleysanayso xilli ciyaareedkanna ay hoos uga sii dhacday ka qayb-galka Champions League oo ay u badan tahay in ay ka maqnaado, waxa uu tilmaamay aanu doonayn in xirfaddiisa uu ku dhamaysto koobab la’aan.

Harry Kane oo ka hadlayay abaal-marinta London Soccer awards ee la guddoonsiiyey ayaa u sheegay wargeyska Night Commonplace: “Abaal-marinaha shaqsiga ahi approach wanaagsan yihiin, waa guulo cajiib ah oo la gaadho.

“Marka aan dhamaadka xirfaddayda, waxaan doonayaa in aan ku guuleyso koobab badan. Hadafkayga hadda ee ciyaartoy ahaan, waa in aan ku guuleysto koobab. Iyadoo abaal-marintani ay fiican tahay, waxa aan doonayaa in aan hanto abaal-marino kasii waaweyn, koox ahaana hadda uma ekin kuwo sidaa samaynaya.

“Waa arrin (xaalado) qadhaadh. Waxa aan jeclaan lahaa koox koobab ku guuleysanaysa iyo abaal-marintan oo kale.”

Harry Kane oo lala xidhiidhinayo Manchester United, ayaa waxa uu Axaddii ciyaaray finalak Carabao Cup oo ay Manchester Metropolis 1-0 ku garaacday Tottenham kana qaadday koobka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More