Madaxda tartanka cusub ee European Super League ayaa soo saaray bayaan ka dib go’aankii ay lixda kooxood ee ugu waa weyn Premier League uga laabteen ka mid noqoshada horyaalkaan iyagoo bayaankooda ku sheegay in loo baahan yahay isbedel lagu sameeyo kubada cagta.Liverpool, Manchester United, Manchester City, Arsenal, Chelsea iyo Tottenham ayaa dhamaantood ku dhawaaqay inay isaga baxeen tartankaan muranka badan dhaliyay ka dib markii ay cambaareyn xoogan kala kulmeen dunida kubada cagta.Waxay taasi keentay in qorshihii…