RASMI: Liiska Lixda Xiddig Ee Ku Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga

Ururka xirfadlayaasha kubadda cagta ee Professional Footballers Association loona soo gaabiyo PFA ayaa ku dhawaaqay liiska lixda xiddig ee ku tartami doona abaalmarinta xiddiga sanadka horyaalka Premier League ee PFA qaybta ay jamaahiirtu coddeeyaan.

Lixdaas xiddig ayaa kala ah Harry Kane, Ollie Watkins, Mohamed Salah, Bruno Fernandes, Kevin De Bruyne iyo Patrick Bamford iyadoo laga reebay xiddigo ku tartamay abaalmarinihii kale ee xiddiga sanadka.

De Bruyne ayaa si lama filaan ah ugu soo guuleystay xiddiga sanadka ee PFA qaybta ay xiddigaha horyaalku coddeeyaan, Harry Kane ayaa dhinaciisa ka tartamaya kaddib markii uu gool dhalintii iyo caawintii horyaalka kusoo wada guuleystay.

Watkins iyo Pamford ayaa labaduba xilli ciyaareedyo cajiib ah kusoo qaatay kooxahooda Aston Villa iyo Leeds United sida ay u kala horreeyaan iyagoo kasoo caawiyay inay kaalmo fiican kusoo dhammaystaan sanadkii hore.

Salah ayaa markale usoo tartamay gool dhalinta horyaalka isaga oo hal gool ugu waayay Kane halka uu Fernandes markale ahaa udub-dhaxaadka Manchester United.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More