Kooxdii ugu horreysay ee reer Spain ah ayaa maanta la filayaa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo in ay ka baxdo tartanka Super League ee ay kooxaha waaweyni ku dhawaaqeen Axaddii in ay samaysteen.Tartankan oo ay aas-aaseen 12ka kooxood ee Real Madrid, Barcelona, Milan, Arsenal, Chelsea, Inter, Juventus, Liverpool, Manchester City, Atletico Madrid, Manchester United, ayaa waxa xalay iskaga baxay lixda naadi ee Ingiriiska ah, taas oo ka dhigan in lix kooxood oo kali ahi kusoo hadheen.Tirada kooxaha kusii hadhaya Super League…