Chelsea Oo Ku Guuleysatay Champions League & Qalbi-Jabkii Manchester
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku guuleysatay koobka horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League, iyadoo 1-0 kaga badisay Manchester City oo ay iskugu soo hadheen ciyaartii ugu dambaysay.Chelsea ayaa markii labaad taariikhdeeda ku guuleysatay Champions League, waxaanay uga mahad-celinayaan da’yarka reer Germany ee Kai Havertz oo goolka u dhaliyey qaybtii hore.Tababare Thomas Tuchel ayaa markii saddexaad muddo laba bilood ka yar ku garaacay Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City, waxaana bilowgii ciyaartan ka…