Maxaa Ka Dhacay Xerada Tababarka Xulka Qaranka England Maanta Oo Sabti
Xarunta tababarka xulka qaranka England ayaa ahayd mid jawi farxadeed ka jirtay maanta oo Sabti ahayd, sababtoo ah, waxa kusoo laabtay ciyaartooyo ka farxiyey tababare Gareth Southgate, kuwaas oo hore shaki loo gelinayay heerkooda taam ahaansho iyo fursadda ay u heli karayaan in ay diyaar ugu noqdaan tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.Xiddiga khadka dhexe ee Jordan Henderson ayaa tababarka buuxa kusoo laabtay maanta, waxaanu ciyaartoyda kale ee xulka la sameeyey jimicsiyadii kala duwanaa, sida orodka, iyadoo ugu…