AKHRISO: Maxaa Ka Jira In Mbappe Uu Iska Dhisayo Benzema Oo Uu
Waxa maalmihii ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayay wararka la xidhiidha xurguf dhawaan dhex martay xiddigaha weerarka xulka qaranka France ee Olivier Giroud iyo Kylian Mbappe kuwaas oo saxaafadu aad uga warrantay waxa dhex maray.
Xurgufta ayaa bilaabantay kulankii dhex maray xulkaasi Les Bleus iyo dhigiisa Bulgaria oo ay 3-0 uga adkaadeen markaas oo uu Giroud ka cawday tirada baasaska kasoo gaadhaya xiddigaha la ciyaarayay.
Giroud ayaa markii bedel lagu sameeyay Mbappe laba gool dhaliyay isaga oo ku dhawaaday rekoodhka gool dhalinta abid ee xulkaas.
Giroud ayaa saxaafada kahor sheegay kulanka kaddib in isaga iyo xiddigaha garoonka kula jiray ay xidhiidh ka wanaagsan midkii garoonka dhexdiisa samayn karayeen.
Dhinaca kale warbaahinta France ayaa xustay in Mbappe uu isku dayay inuu saxaafada horteeda markiisa uga jawaabo Giroud balse arrinta ayaa la dajiyay.
Dhawaan ayay ahayd markii uu soo baxay war sheegaya in 22 sano jirkaasi uu sidoo kale diiday raali-gelin uu ka helay Giroud tababarkii khamiistii ee xulka.
Jamaahiirta xulka Les Bleus ayaa Mbappe u sheegay inuu ixtiraamo Giroud maadaama oo uu yahay halyay dalkooda ah oo uu kaliya shan gool u jiro rekoodhka gool dhalinta abid ee xulka oo uu Theiry Henry haysto.
Sidoo kale taageerayaasha ayaa Mbappe ku eedeeyay mid aad ugu nugul dhinaca Karim Benzema oo dhawaan xulka dib loogu wacay kaddib shan sano oo uu ka maqnaa.
Haddaba, xog cusub oo xaqiiqo ah ayaa muujisay sida uu Mbappe ugu faraxsan yahay la ciyaarista Benzema ee uu isaga kubadda ula raadinayo markasta.
Xogtaas ayaa sheegaysa in Mbappe xilli ciyaareedka 2020-21 kulamada uu France u ciyaaray ay kaliya 9 baas dhex mareen isaga iyo Giroud walow ay 349 daqiiqo wada ciyaareen waliba kaliya 4 baas uu Mbappe u dhiibay Giroud halka ay shanta kale ka yimaadeen dhinaca Giroud.
Isbar-bardhiga ayaa ah in Mbappe kaddib 114 daqiiqo oo uu la ciyaaray Benzema ay 23 baas dhex mareen iyadoo 14 kamid ah uu Mbappe u dhiibay Benzema halka uu Benzema 9-ka kale usoo celiyay.