DF oo soo saartay dalab ku saabsan xiriirka KENYA

Muqdisho (Axadle) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo hadda kasoo hagaagayo sidii hore, waxaana ay dalbatay in la sameeyo guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya soo celinta xiriirkooda.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay ka go’an tahay in markale dib loo soo nooleeyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal oo dano wadaag & daris wadaag ah.

“Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxay markale xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay dib usoo celinta iyo dardar-gelinta xiriirka diblumaasiyadda, ganacsiga iyo xiriirka dadka ee Soomalaiya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.

Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in Soomaaliya iyo Kenya uu weligood ka dhexeeyey iskaashi dhinaca amniga iyo ganacsiga intaba.

“Labada qaran ee walaalaha ah waxay weligood iska kaashanayeen amniga, ganacsiga iyo xiriirka dhaqan ee wadajirka ah ee salka ku haya danaha guud,” ayaa markale lagu yiri.

Ugu dambeyn qoraalkan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey go’aankii ay Kenya dib ugu fasaxday duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi, kadib xayiraad muddo ah oo saarneyd.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkoodu xumaaday, kadib soo bixidii dacwadda badda ee taalla maxkamad ICJ, iyada oo xiisadu ay kasii dartay markii Soomaaliya joojisay Qaadka.

Si kastaba, waxaa haatan labada xukuumadood ee Muqdisho iyo Nairobi muujinayaan isku soo dhowaasho labada dhinac ah, si meesha looga saaro khilaafka soo kala dhex-galay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More