Seefta Joan Laporta Oo Galka Laga Saaray, Masuul Magac Leh Oo La
Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa galka seefta ka saaray, waxaanu ku dhex-dhacay maamulka kooxda oo uu ka caydhiyey agaasimihii ciyaaraha, xilli uu ku hawlan yahay inuu isbeddel dib u qaabayn ku sameeyo kooxda.Guillermo Amor oo Barcelona ka ahaa agaasimaha ciyaaraha tan iyo sannadkii 2017 ayaa Jimcihii laga caydhiyey shaqada, iyadoo uu Laporta ku wargeliyey in dibu-habayn uu ku samaynayo qaybta farsamada ee Camp Nou.Amor oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey ahaa agaasimaha hay’adaha iyo xidhiidhka ciyaaraha ee…