Thomas Tuchel Oo Daboolka Ka Qaaday Ballan-qaad Uu Mulkiilaha Chelsea
Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa usoo degay garoonka gudihiisa markii ay kooxdiisu ku guuleysatay Champions League, waxaana dabbaal-degga iyo farxadda kaddib uu waqti la qaatay tababare Thomas Tuchel oo uu u sameeyey ballan-qaad.Tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel iyo Abramovich ayaa kulan ku yeeshay gudaha garoonka kubadda cagta Estadio do Dragao, laakiin ma ahayn xilli ay ka wada hadli karaan arrimo ka baxsan inay iskugu hambalyeeyaan guusha, sidaas oo ay tahay, Abramovich ayaa kulankaas uga faa’iidaystay…