RASMI: Da’ Yarka Ugu Fiican Dunida Oo La Caleemo
Weeraryahanka Barcelona Ansu Fati ayaa loo caleemo saaray inuu yahay da’ yarka ugu fiican dunida isagoo haatan ka soo kabsanaya dhaawac jilibka ah oo uu muddo dheer la maqnaa.
18 jirkaan oo rajeynaya inuu garoomada ku soo laabto xilli dhow ayaa maanta oo Talaado ah loo caleemo saaray da’yarka ugu fiican dunida. Ciyaaryahanadda da’da yar waxaa loo arkaa kuwa dhashay sannadkii 2002 iyo wixii ka danbeeyay.
Da’ yarkaan ayaa abaalmarinta ka qaaday xiddiga khadka dhexe ee Rennes Eduardo Camavinga iyo xiddiga Borussia…