Thomas Tuchel Oo Shaaciyey Tirada Ciyaaryahanadda Uu U Baahan Yahay Inuu
Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa shaaciyey tirada saxeexyada uu u baahan yahay in uu sameeyo, kaddib markii ay kooxdiisu ku guuleysatay tartanka Champions League.Tuchel oo bishii January loo magacaabay tababaraha Chelsea kaddib markii shaqada laga caydhiyey Frank Lampard, ayaa waxa uu kooxda ku sameeyey isbeddel weyn iyadoo uu keenay afarta sare, finalka FA Cup iyo Champions League oo ay ku guuleysteen.Roman Abramovich ayaa lacag badan geliyey kooxda suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagii hore, waxaana in ka badan 250…