SAADAASHA Wayne Rooney Ee EURO, Dalkiisa England Oo Loo Diiday & Xulka
Halyeeyga kubadda cagta England ee Wayne Rooney ayaa doortay xulka uu qabo inuu ku guuleysan doono tartanka EURO ee dhawaan furmaya xilli uu sidoo kale ka hadlay fursada dalkiisa England.
Xulka uu ku taageeray ku guuleysiga Euro ayaa ah France oo ay dadku badi u rajaynayaan hanashada tartanka, xulka xiddigaha cajiibka ah wata ee tababare Didier Deschamps ayaa ah mid ay adkaan doonto in la helo xul hor istaaga.
Rooney oo wargeyska The Times aragtidiisa ku qoray ayaa sheegay in xulka England uu ku jiro afar xul oo kamida kuwa ugu cad cad tartanka balse uu xulka France yahay midka uu u saadaalinayo.
Wayne ayaa yidhi “England waxa ay ku jirtaa afar xul kuwaas oo inta kale ka sarreeya marka la eego suurogalnimaa, Portugal iyo Belgium ayaa iyaguna halkaas jooga sidoo kale laakiin xulka aragtidayda ugu cad-cadi waa France”
“Kylian Mbappe, Kante, Greizmann, Benzema, Pogba, Raphael Varane iyo Hugo Lloris, waxaad eegtaa tayadooda, khibradooda iyo rekoodhkooda inay kusoo guuleysteen koobka aduunka waxaad ogaataa in haddii ciyaartoydoodu ay bandhig fiican sameeyaan, way ku guuleysan doonaan koobka dhib la’aan”
Marka laga yimaado inay haystaan ciyaaryahano badan oo tayo leh, Rooney ayaa aaminsan in wadajirka iyo wada-shaqaynta France ay sidoo kale muhiim u noqon doonto inay meel ka gaadhaan tartanka.
“Iyagu kaliya maaha isku darka xiddigo hibo leh oo cajiib ah, marka ay garoonka ku jiraan sidii Ruushka aynu ku aragnay (Koobkii aduunka) 2018, France in badan ayay wadajir yihiin midawguna wuu sii xoogaystaa marka aad wax ku wada guuleysataan”
