Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Ay Qodobbo
Paris St-Germain ayuu madaxweynaheeda Nasse Al-Khelaifi sheegay in aanay marnaba kooxdaasi iibin doonin weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo 22 jir ah. (AS)
Borussia Dortmund waxay go’aamisay qiimaha ay ku biisinayso weeraryahanka reer Norway ee Erling Braut Haaland oo 20 jir ah, waxaanay u sheegtay naadiyada doonaya inay la shir yimaaddaan 200 milyan oo Euro. (AS)
Aston Villaa ayaa si weyn isku dhisaysa, waxaanay u dhaqaaqysaa laacibka khadka dhexe ee reer England ee James War-Prowse oo 26 jir ah maalmo kaddib markii ay la saxeexatay kubbad-sameeyaha reer Argentina ee Emiliano Buendia oo u ciyaara Norwich City. (Guardian)
Southampton ayaa u jawaabtay Aston Villa, waxaanay u sheegtay in aanu War-Prowse iib ahayn. (Mail)
Arsenal oo lagu garaacay seexa Buendia, ayaa bartilmaameedsanaysa 22 jirka reer Norway ee Martin Odegaard oo dib ugu laabanaya Real Madrid kaddib markii uu dhamaaday sannad amaah ahaa oo uu ku joogay Emirates. Gunners ayaa doonaysa in Odegaard ay amaah kale ku hesho amaba heshiis rasmi ah. (Football London)
Arsenal waxay dalab ka gudbisay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Wolves ee Ruben Neves oo 24 jir ah. (Mail)
Manchester United waxay tartan kala kulmi doonaa Arsenal oo kula dagaallamaysa difaaca midig ee Atletico Madrid ee Kieran Trippier oo 30 jir ah. (Metro)
Trippier ayaa u sheegay ciyaartoyda xulka qaranka England, in uu iskaga tegayo kooxdiisa Atletico oo uu ku biiri doono Manchester United. (Sun)
Barcelona waxay dib usoo cusboonaysiisay xiisihii ay u muujinaysay difaaca dhowaanta qaatay dhalashada Spain ee Aymeric Laporte oo hore u ahaa Faransiis. 27 jirkan ayay Barcelona doonaysaa in ay ku beddelato Sergi Roberto oo 29 jir ah. (Sport)
Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud oo 34 jir ah, waxa uu tibaaxay inay suurtogal tahay inuu ku biiro AC Milan maalmo kaddib markii ay Chelsea xaqiijisay inuu sannad kale oo heshiis ah saxeexay. (Goal)
Barcelona waxay go’aansatay in aanay kordhin dalabka ay u bandhigtay Georginio Wijnaldum oo 30 jir ah, kaddib markii ay PSG u ballan-qaaday mushahar laban-laab ka badan midka Barca u hayso. Laacibka reer Netherlands ayaa lagu soo warramayaa in uu heshii saddex sannadood ah u saxeexayo PSG. (Fabrizio Romano)
Juventus ayaa isku dayaysa in Barcelona ay ku samayso sidii PSG oo kale, isla markaana ay ka hor qaaddo weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay oo 27 jir ah, kaas oo si bilaash ah kaga tegaya Lyon. (Mundo Deportivo)
Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa ogolaaday in heshiis cusub oo laba sannadood ah uu ku kordhiyo qandaraaskii uu kula jiray kooxdiisa, waxaanu kusii negaan doonaa illaa 2024. Simeone ayaa se ka dalbaday maamulka kooxda in loo keeno weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez oo 23 jir ah. (AS)