Wax Ka Baro Sharciyada Euro 2020 – Imisa Kaadh Oo Huruud/Jaale Ah Ayaa
Jimcaha berri ayuu bilaabmayaa tartanka qaramada Yurub ee Euro ee sannadkii hore baaqday, waxaana lagu furayaa ciyaar adag oo u dhaxayn doonta Talyaaniga iyo Turkey oo ku kulmaya magaalada Rome.Hal ciyaar oo kaliya ayaa dhacaysa Jimcaha, waxaase Sabtida la raacinayaa kulanka kale ee ka hadhay Group A ee Wales vs Switzerland oo ay isku hormo yihiin labada waddan ee sare iyo Group B oo ay ku wada jiraan Denmark vs Finland & Belgium vs Russia.Kulamada hore ee Group-yada ayaa waxay soconayaan muddo 12 maalmood ah oo ka…