RASMI: Xiddigii Ay Isku Xaalada Ahaayeen Sergio Ramos Oo Heshiis Cusub
Xiddiga boosaska badan uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Lucas Vazquez ayaa heshiis cusub oo rasmi ah oo gaadhsiisan ilaa 2024 qalinka ugu duugay kooxdaas.Vazquez ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday iska gaday jamaahiirta kooxda kaddib markii uu qaab ciyaareed heer sarre ah ku muujiyay booska daafaca midig oo ay ka dhaawacnaayeen Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola.Nasiib darro xilli ciyaareedkii 29 sano jirkaas ayaa soo dhammaaday kulankii El-Clasico isaga oo dhaawac halis ahi ka gaadhay jilibka kaddib markii ay isku dhaceen…