RASMI: Manchester United Oo Shaacisay Kulamada Saaxiibtinimo Ee
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay kooxaha ay la ciyaari doonto kulamada saaxiibtinimo ee ay iskugu diyaarinayso xilli ciyaareedkan, kuwaas oo ay ku waajihi doonto afar naadi.Tababaare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xulan doono ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka ugu horreeya ee saaxiibtinimo ku waajahaya kooxda uu tababaraha ka yahay Wayne Rooney ee Derby County oo ay ku kulmi doonaan Pride Park marka ay taariikhdu tahay July 18.United ayaa xagaagan aan dibedda uga bixi doonin UK maadaama uu jiro fayraska…