“Ronaldo Waa Doqon, Xarrakadii Uu Ku Sameeyay Rudiger Ayaa

Xiddigii hore ee xulka Germany ee Dietar Hamman ayaa markale weerar qaawan ku qaaday hoggaamiyaha xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo kaddib xarrako cajiib ah oo uu ka sameeyay kulankii Germany vs Portugal.

Germany ayaa 4-2 ku xaaqay Ronaldo iyo asxaabtiisa walow uu 35 sano jirkaasi hoggaanka u dhiibay xilli hore, mid kamida dhacdooyinka ugu hadal haynta badan ee ciyaarta ka dhacay ayaa ahaa inuu farsamo ku sameeyay Ronaldo daafaca Germany ee Antonio Rudiger.

Farsamadaas ayaan noqon mid qofkasta cajabisay waxaana kamid ah Hamman oo ku sifeeyay Ronaldo mid doqon ah isaga oo dhinaca kale qaba in xarrakadaasiba tahay mida sababtay inuu xulka Germany soo laabasho cajiib ah sameeyo.

Hamman oo la hadlayay il-wareedka RTE ayaa yidhi “Waxaan filayaa inay maalayacni tahay, kubadda ayuu ka dul-qaaday, waxa uu iska dhigay mid gacmaha ku qabsanaya kaddib wuu cidhbeeyay wuuna sii jeedsaday”

“Haatan doqon ayuu u muuqdaa, tani waa 1-0, isagu waxa uu u muuqdaa doqonka, haddii aad ciyaartoyda Germany weydiiso waxay kuu sheegi doonaan hadda wixii ay u maleeyeen”

“Iyagu way ogaadeen midaas, hadda ayaan kuu sheegayaa dhammaantood waxa ay odhan doonaan ‘laga yaabaa inay na siisay dhiirigelin dheeraad ah oo aanu ku bedelno natiijada”‘

“Muxuu isku dayaya inuu gaadho, malaha halkaasi waa halka ay waxkasta (Soo laabashada Germany) ka bilaabmeen”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More