RASMI: Manchester United Oo Shaacisay Kulamada Saaxiibtinimo Ee
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay kooxaha ay la ciyaari doonto kulamada saaxiibtinimo ee ay iskugu diyaarinayso xilli ciyaareedkan, kuwaas oo ay ku waajihi doonto afar naadi.
Tababaare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xulan doono ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka ugu horreeya ee saaxiibtinimo ku waajahaya kooxda uu tababaraha ka yahay Wayne Rooney ee Derby County oo ay ku kulmi doonaan Pride Park marka ay taariikhdu tahay July 18.
United ayaa xagaagan aan dibedda uga bixi doonin UK maadaama uu jiro fayraska Korona, waxaanay u noqonaysaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah ee aanay gelin safarradii Maraykanka iyo Bariga Fog.
Toddobaad ay tababar ku qaadan doonto gudaha UK kaddib, waxay ciyaari doontaa kulanka labaad ee saaxiibtinimo oo ay u tegi doonto QPR oo sannado ka hor hoos uga dhacday horyaalka Premier League. Kaddib waxay kusoo laaban doonaan Old Trafford oo ay kula ballansan yihiin kooxda dhowaanta kusoo biiray horyaalka Premier League ee Brentford oo ay July 28 la ciyaari doonaan ka hor inta aanay kulamadooda saaxiitbinimo kusoo xidhanin Everton oo ay August 7 la ballansan yihiin.
Kulamada garoonka Old Trafford ayay Manchester United shaacisay in ay fasax u yihiin taageereyaashu, iyadoo soo bandhigtay qiimeyaasha ay taageereyaashu ku geli doonaan. Tusaale ahaan, dadka waaweyn ayaa tigidhka ku goosanaya £30 Gini, halka da’da 18-20 qiimaha tigidhka ciyaarta ay ku gelayaan uu yahay £22.50.
Telefishanka Manchester United ee MUTV ayaa si toos ah looga daawan doonaa kulamadan.
Kulamada saaxiibtinimo ee Man United ciyaari doonto
Derby County vs Manchester UnitedGaroonka: Pride ParkTaariikhda: Axad 18 July
QPR vs Manchester UnitedGaroonka: Kiyan Prince Foundation StadiumTaariikhda: Sabti 24 July
Manchester United v BrentfordGaroonka: Old TraffordTaariikh: Arbaca 28 July
Manchester United v EvertonGaroonka: Old TraffordTaariikh: Sabti 7 August