Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Ay Tahay In Xulka England Kaga Hor
Halyeeyga xulka qaranka England ahna khabiirka kanaalka Sky Sports ee Gary Neville ayaa soo xushay shaxda ugu fiican ee ay tahay in xulka lagu naanayso saddexda libaax uu kala hortago dhigiisa Germany wareega 16-ka ee tartanka Euro 2020.Kaddib markii xalay la ogaaday in xulka wareega 16-ka ay England la ciyaarayaan uu yahay Germany, hadal haynta ayaa deg-deg ugu wareegtay ciyaarta ka dhici doonta garoonka Wembley Stadium.Gary Neville ayaa si lama filaan ah tababare Gareth Southgate ugu sheegay inuu ku laabto shaxda 5-2-3…