Ian Wright Oo Doortay Shaxda Xulka England Ee Kulanka Germany &
Halyeeyga kooxda Arsenal ahna xiddigii hore ee xulka qaranka England ee Ian Wright ayaa soo xushay shaxda uu jeclaan lahaa in dalkiisu caawa kaga hortago dhigiisa Germany oo ay ku kulmayaan wareega 16-ka ee Euro 2020 ciyaar Wembley Stadium ka dhacaysa.Wright ayaa sameeyay go’aano layaab leh isaga oo macalin Gareth Southgate kula taliyay inuu keydka ku cabo Jack Grealish iyo Bukayo Saka oo ahaa labadii xiddig ee bandhiga ugu fiican soo sameeyay kulankii Czech ee ugu dambeeyay oo ahaa ciyaarta kaliya ee ay kusoo bilawdeen.Waxa…