Waa Kuma Xiddiga Ingiriiska Ah Ee Roberto Mancini Uu Sida Gaarka Ah
Roberto Mancini ayaa ciyaartoyda xulkiisa Talyaaniga uga digay hal ciyaartoy oo ka tirsan xulka qaranka England, kaas oo uu u sheegay inay taxadar dheeraad ah ka yeeshaan, isla markaana aanay wax fursad ah siinin.
Talyaaniga oo aan laga badinin 33kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada ayaa finalka Euro la ciyaaraya xulka England oo markii u horreysay muddo 55 sannadood ah yimid finalka.
England ayaa hal gool oo kaliya laga dhaliyey intii uu socday tartanka Euro, waxaanay soo garaaceen Germany, Ukraine iyo Denmark ka hor intii aanay imanin ciyaarta u dambaysa ee finalka.
Raheem Sterling ayaa ahaa xiddiga ugu carcarta badan ee ku jira xulka qaranka England, waxaanu bandhig cajiib ah sameeyey kulankii u dambeeyey oo lagu galay rikoodhihii sababta u noqday goolkii labaad ee uu dhaliyey Harry Kane.
Roberto Mancini oo la hadlay ciyaartoyda xulka Talyaaniga ayaa u sheegay, in ay taxadar dheeraad ah ka yeeshaan Raheem Sterling oo orodkiisa iyo khatartiisuba badan yihiin.
Isagoo la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka England, waxa uu Roberto Mancini yidhi: “Ingiriisku waa koox wanaagsan sababtoo ah waxay haystaan ciyaartooyo badan oo wanaagsan oo kaydka u fadhiya, laakiin haddii anaguba is-eegno, waxaanu haysanaa koox wanaagsan.
“Sterling ayaa ah ciyaartoy kubadda cagta ah oo orod badan, wanaagsanna, waxaana loo baahan yahay in aanu ka taxadarno isaga.”
Intaas kaddib waxa uu Roberto Mancini soo qaaday laacibka labaad ee ay tahay inay iska ilaaliyaan, waxaanu yidhi: “Ka sokow Sterling, ma hubo cidda kale ee ka ciyaaraysa dhinaca midig. Kaddib waa harry Kane, qaybta saddexaad ee u dambaysana waxay haystaan ciyaartooyo dhamaantood sarreeya, waxay leeyihiin farsamo sarraysa iyo awood.”