Horyaalka Beeraleyda – Premier League, Serie A, Bundesliga Mise Ligue
Kubada heerka koowaad ee dalka Faransiiska waxaa si joogta ah loogu eedeyaa inay tahay tartan hal faras ah iyadoo hal koox ay xilliba iska heysato horyaalka.Waxaa laga yaabaa inaad baraha bulshada ku aragtay iyadoo horyaalka Faransiiska lagu tilmaamayo inuu yahay horyaalka beeraleyda, gaar ahaan mudadii ay horyaalka iska heysatay kooxda Paris Saint-Germain.Laakiin waa maxay sababta loogu yeero horyaalka beeraleyda? muxuu yahay micnaha ka danbeeya? Shabakada laacib ayaa idiin faahfaahineysa.Kubada cagta Yurub waxaa ka jirto…