Lionel Messi & Neymar Oo Abaalmarintii Ugu Weyneyd Copa America

Go’aan aan hore looga baran ayay gaareen xiriirka kubada cagta Latin America ee loo yaqaano CONMEBOL iyagoo ku dhawaaqay in kabtanka Argentina Lionel Messi iyo xiddiga Brazil Neymar inay kuwada guuleysteen abaalmarinta Xiddigii ugu fiicnaa koobka Copa America oo ay Argentina ku guuleysatay.

Argentina ayaa ciyaartii finalka ee Copa America waxay garoonka Maracana ku garaacday Bazril iyagoo koobka qaaday markii ugu horeysay muddo laga joogo 28 sannadood, waxayna uga mahadcelinayaan gool uu u saxiixay Angel di Maria.

Laakiin xiriirka CONMEBOL ayaa ku rafaaday inay doortaan hal xiddig oo ku guuleysta abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa tartanka, waxayna doorteen inay abaalmarinta wada gudoonsiiyaan Messi iyo Neymar.

“Ma ahan suurtogalo in hal ciyaaryahan kaliya la xusho, sababtoo ah tartankaan waxay ahaayeen labadii xiddig ee ugu fiicnaa” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay CONMEBOL.

“Waxay kulan walba ku soo bandhigeen tayadooda kala duwan, taasoo ka dhigeysa inay yihiin ciyaaryahano farsamo iyo tayo sarre leh, caqligooda iyo go’aan qaadashadoodana uu aad u sareeyo.

“Labadaba waxay ciyaarta finalka u dheeleen xulalkooda iyagoo ciyaar heer sareysa soo bandhigay, waxayna fure u ahaa tartanka gooldhalinta ee koobka.

“Waxaa taas sii dheer inay yihiin kuwa dhanka caawinta hogaaminaya, xiddiga reer Argentina wuxuu sameeyay shan caawin halka xiddiga reer Brazil uu sameeyay seddex caawin, taasoo cadeyn u ah sida ay uga dhex muuqdeen sannadkan koobka Copa America.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More