Daawo:Haamo Kiimiko laga soo buuxiyay oo ku caariyay xeebta
Cadale (Axadle) – Haamo sumeysan ayaa kusoo caariyey xeebaha deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka Shacabka ah ee halkaas dagan.
Sida dadka halkaas dagan ay u xaqiijyeen Axadle, goobaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa kamid ah ah hareeraha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe.
Haamaha la arkay ayaa gaarayo illaa 3 Haan oo waaweyn kuwaas oo afka xiran, waxayna dadka deegaanka sheegeyn in ay sun ka buuxdo.
Dadka dagan meelaha lagu arkay Haamahaan ayaa waxaa lasoo…