AKHRISO: Kala Sarreynta Ballon d’Or Ee Maanta, Haddii Messi

Waxa lasoo saaray qiimaynta iyo fursadaha kala duwan ee maanta loo kala haysto abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan 2021 xilli ay tartamada caalamiga ahi bedeleen wax badan oo ku saabsan kala sarreynta qaabkii kubadda cagta heer kooxeed kusoo dhammaatay.

Sababta ugu weyn ee qiimaynta cusub maanta loosoo saaray ayaa ah in kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi uu kusoo guuleystay xalay koobkiisii ugu horreeyay ee caalami ah isaga oo Copa America lasoo hantay.

Kala sarreyntan ayaa ah mid uu sida cidkasta filan karto maanta hoggaanka u hayo Messi kaas oo hoggaanka fursada uu ugu guuleysan karo Argentina sii dheeraystay.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in kabtanka xulka qaranka England ee Harry Kane oo kusoo guuleystay gool dhalintii iyo caawintii Premier League caawana Final-ka Euro 2020 la jooga dalkiisu uu booska labaad soo cidhiidhsaday.

Kaalinta saddexaad ayay si isku mid ah ugu jiraan Robert Lewandowski oo kusoo guuleystay abaalmarinta kabta dahabka ah ee Yurub iyo horyaalka Bundesliga iyo Kylian Mbappe oo gool dhalinta horyaalka France soo hantay walow horyaalka qudhiisa ay Lille kaga guuleysatay balse uu koobka maxaliga ah ee dalkaas qaaday.

Booska saddexaad ayay isagana si isku mid ah u wada fadhiyaan N’Golo Kante oo Champions League lasoo qaaday Chelsea iyo Cristiano Ronaldo oo gool dhalintii horyaalka Serie A iyo Coppa Italia kula soo guuleystay Juve.

Arrinta hadal haynta dhalisay ayaa ah inuu liiskan gabi ahaanba iska waayay khadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka Talyaaniga ee Jorginho oo shaqsiyaadka qaar maalmihii ugu dambeeyay soo jeedinayeen inuu u tartamo Ballon d’Or.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More