Waqtiga Uu Gianluigi Donnarumma Ka Degayo Paris Iyo Faahfaahinta
Goolhayaha xulka qaranka Talyaaniga ee Gianluigi Donnarumma ayaa Arbacada u safraya waddanka Faransiiska oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono kooxda Paris Saint-Germain, ka hor inta aanu qalinka ku duugin heshiis shan sannadood ah.Gianluigi Donnarumma oo xulka qarankiisa Talyaaniga sabab ugu noqday inay ku guuleystaan koobka tartanka qaramada Yurub ee sannadkan, ayaa laba maalmood kaddib guushaas waxa uu shandaddiisa u xidh-xidhanayaa safar xirfad beddelasho ah oo uu si rasmi ah ugu saldhiganayo PSG.22 jirkan oo si xor…