Waqtiga Uu Gianluigi Donnarumma Ka Degayo Paris Iyo Faahfaahinta

Goolhayaha xulka qaranka Talyaaniga ee Gianluigi Donnarumma ayaa Arbacada u safraya waddanka Faransiiska oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono kooxda Paris Saint-Germain, ka hor inta aanu qalinka ku duugin heshiis shan sannadood ah.

Gianluigi Donnarumma oo xulka qarankiisa Talyaaniga sabab ugu noqday inay ku guuleystaan koobka tartanka qaramada Yurub ee sannadkan, ayaa laba maalmood kaddib guushaas waxa uu shandaddiisa u xidh-xidhanayaa safar xirfad beddelasho ah oo uu si rasmi ah ugu saldhiganayo PSG.

22 jirkan oo si xor ah kaga tegay kooxdii uu kulliyaddeeda kasoo baxay, kana mid noqday tiir-dhexaadkeeda ee AC Milan, ayaa hore heshiis ula gaadhay PSG, kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisa San Siro.

Sida ay sheegtay warbaahinta RMC Sports, PSG ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweyn doonta Gianluigi Donnarumma maalinta Arbacada, kaddibna wuxuu mari doonaa tijaabada caafimaadka ka hor inta aan si rasmi ah loogu soo bandhigin warbaahinta.

Kaddib waxa uu geli doonaa fasax laba illaa saddex toddobaad ah, lamana filayo in uu kooxdiisa cusub kala qayb-galo kulamada saaxiibtinimo ee isku-diyaarinta xilli ciyaareedka 2021-22, laakiin marka uu xilli ciyaareedku bilaabmo ayay goolka ku tartami doonaan Keylor Navas oo ay warbaahinta Talyaanigu sheegeen inuu ahaan doono dookha koowaad ee tababare Mauricio Pochettino, halka uu Donnarumma ku ekaan doono kulamada Champions League.

Si kastaba, Gianluigi Donnarumma ayaa mustaqbalkiisa meel dhigi doona ka hor inta aanu bilaabanin fasaxiisa xagaaga maadaama uu ku mashquulsanaa tartanka Euro oo aanu helin waqti firaaqo ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More