DHEGAYSO FADEEXADAN: Florentino Perez Oo Laga Duubay Cod Uu Ku

Real Madrid ayaa gelaysa xaalad wareer ah oo aan la saadaalin karaynin, taas oo keeni karta in ay ka tagaan halyeeyo waaweyn kaddib markii ay soo baxday fadeexad la xidhiidha cod laga duubay Madaxweyne Florentino Perez oo ku tilmaamaya ‘khiyaanooleyaasha ugu waaweyn’.

Perez oo hore ula dhibaatoonayay eedaymo kaga imanayay UEFA, FIFA, LaLiga iyo kubadda cagta Adduunka maadaama uu yahay Madaxweynaha tartankii fashilmay ee Super League, ayaa waxa hadda hoostiisa ka holcay dab aanu meeshaba soo dhiganin, laakiin xilliga la shiday ay kasoo wareegtay 15 sannadood.

Raul Gonzalez oo ah tababaraha kooxda da’yarta Real Madrid ayaa laga sugayaa in uu qaato go’aan, kaddib markii ay fadeexaddani faraqa lasoo gasho oo cod laga duubay Perez uu muujiyey in aanu u haynin wax ixtiraam ah.

Warbaahinta Spain ayaa maanta soo bandhigtay cod laga duubay Florentino Perez sannadkii 2006, ayaa waxa uu Perez ku aflagaaddaynayaa Raul iyo Iker Casillas, kuwaas oo ahaa labadii kabtan ee iskaga dambeeyey kooxda, laakiin uu mid walba ka tegay dhamaadkii cimrigiisa.

Perez ayaa xilligaas yidhi: “Casillas ma aha goolhayaha kooxda. Waa guul-darradii u weynayd ee nasoo martay, laakiin waxa dhacay ayaa waxa uu yahay inay isaga jecel yihiin. Waxa uu ka mid yahay khiyaanooleyaashii ugu waaweynaa ee abid nasoo mara, mid kalena waa Raul. Labada khiyaanoole ee ugu waaweyn ee Madrid soo maray waa Raul oo ka hore ah iyo Casillas oo labaad ah.”

Arrinta yaabka leh ayaa waxay tahay, in Florentino Perez uu xataa sheegay in aanu waligii meel la fadhiisanayn Raul iyo Casillas oo inta uu kooxda madaxweynaha u yahay aanu ka dhigi doonin tababare iyo agaasime midna.

Casillas ayaa kasoo baxay kulliyadda Real Madrid, waxaanu goolhayaha koowaad ee kooxda noqday sannadkii 1999kii isaga oo 18 jir ahaa, markaas oo uu fursad ka helay goolhayihii koowaad oo dhaawac soo gaadhay, waxaanu joogay Santiago Bernabeu illaa 2015, xilligaas oo uu uga wareegay FC Porto. Waxa uu kula guuleystay Madrid wax kasta muddadas 16ka sannadood ahayd, sida Shan horyaalka LaLiga ah, laba Copa del Rey, Afar Supercopa de Espana, saddex Champions League, laba European Super Cup, hal Club World Cup iyo laba Intercontinental Cup ah. Xulka dalkiisa Spain ayuu sidoo kale la qaaday Koobkii Adduunka 2010 iyo labadii Euro ee 2008 iyo 2012.

Raul Gonzalez ayaa isaguna muddo 16 sannadood ah u ciyaaray kooxda koowaad ee Real Madrid. Sannadkii 1994kii ayuu kasoo baxay kulliyadda da’yarta kooxda, waxaanu halbowle ka ahaa Santiago Bernabeu illaa 2010 oo uu uga wareegay Schalke 04. Muddadii uu joogay Bernabeu, waxa uu Raul kula guuleystay Lix horyaal oo LaLiga ah, afar Supercopa de Espana ah, saddex Champions League, hal European Super Cup iyo laba Intercontinental Cup.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More