“Waa Mid Aad U Hibo Badan” – Mourinho Oo Xifaaltankii Arsenal Meel
Tababaraha kooxda AS Roma ee Jose Mourinho oo muddooyinkan ugu dambeeyay door khabiirnimo kaga shaqaynayay talkSPORT ayaa amaan kala dul dhacay da’yarka kooxda Arsenal iyo xulka qaranka England ee Bukayo Saka.19 sano jirkaas ayaa u muuqda mid kamida xiddigaha da’yarta ah ee ugu wanaagsan Yurub wakhtigan kaddib markii uu xilli ciyaareedkii 2020-21 qaab fiican uga soo dhalaalay Arsenal halka uu hadda muujinayo waxa uu ku samayn karo heer qaran.Bukayo ayaa kulankii Czech Republic si lama filaan ah ugu soo bilawday balse guday…