Ciidamada Tigray-ga oo qabsaday magaalooyin kale iyo wararki…
Mekelle (Axadle) – Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed.
Guulaha militari ee mucaaradka iyo hadalladooda adag ayaa shaki gelinaya inay shaqeyn doonto xabad-joojinta halka dhinac ah ee ay dowladda federaalka ku dhowaaqday Isniintii.
Mucaaradka ayaa shalay qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada…