Louis van Gaal Oo Kusoo Laabtay Shaqada Tababarenimo & Kooxda Uu

Tababaraha reer Netherlands ee Louis van Gaal ayaa dib ugu soo laabanaya shaqada tababarka kaddib shan sannadood oo uu ka maqnaa.

- Advertisement -

Louis van Gaal ayay ugu dambaysay shaqo uu qabto kooxda Manchester United oo laga caydhiyey shan sannadood ka hor, laakiin waxa uu hadda dib ugu soo laaban doonaa fagaareyaasha isagoo hoggaamin doona kooxda xulka qarankiisa oo uu dhowaan iska casilay Frank de Boer.

Xidhiidhka kubadda cagta Netherlands ayaa heshiis la gaadhay Van Gaal sida uu ku warramay wargeyska De Telegraaf ee kasoo baxa dalkaas, waxaanu heshiiskaasi yahay, in uu ruug-caddaagani kusoo laabto shaqada xulka qarankiisa oo uu ka tegay sannadkii 2014kii oo uu keenay semi-finalka.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa horraantii bishan sheegtay, in FA-ga Netherlands iyo Van Gaal ay u socdaan wada-hadallo, waxaana xidhiidhka metelayay Nico-Jan Hoogma iyo Eric Gudde.

Xulka qaranka Netherlands oo bisha September ciyaari doona kulamo ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022, ayaa inta ka horreysa waxay u baahan yihiin in ay xaqiijiyaan tababarahooda cusub ee hoggaamin doona kulamadaas.

Netherlands ayaa tababare la’aan noqotay markii ay ka hadheen tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020 oo uu reebay Czech Republic, waxaanay rajaynayeen in ay dib usoo ceshadaan Ronald Koeman oo sannad ka hor ka tegay laakiin kusii negaaday Barcelona oo mar la sheegayay inay caydhinayso.

Van Gaal ayaa shaqada tababarenimo ka fadhiistay sannadkii 2019kii isagoo laba sannadood kasii maqnaa shaqadii Manchester United ee laga caydhiyey sannadkii 2016kii.

Laba jeer oo hore ayuu tababare u noqday xulka qarankiisa waxaanay markii koowaad ahayd 2002 oo ay ku guul-darraysteen in ay ka mid noqdaan dalalkii usoo baxay Koobka Adduunka, laakiin 2012kii ayuu soo gaadhsiiyey kaalinta saddexaad.

Barcelona ayuu tababare u noqday laba waqti oo kala duwan, waxaanu u qaaday horyaalka LaLiga laba jeer iyo Bayern Munich oo uu horyaalka Bundesliga kula guuleystay.

Ajax ayaa ahayd kooxdii uu kasoo bilaabay shaqada tababarka taas oo xilli ciyaareedkii 1994-95 uu u qaaday Champions League, laakiin laba sannadood oo uu joogay Manchester United ayuu kaliya u qaaday FA Cup, iyadoo shaqadana laga caydhiyey laba maalmood kaddib markii uu koobka u qaaday.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More