Ronaldo mise Messe? Mason Greenwood Oo Magacaabay Midka Wanaagsan CR7

Xiddiga da’da yar ee Manchester United ee Mason Greenwood ayaa sharraxaad ka bixiyey, isla markaana qiimeeyey labada ciyaartoy ee dooddoodu muddada dheer taagnayd ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, kuwaas oo uu caddeeyey midka isagu u yaqaano ciyaartoyga wannaagsan.

Labadan ciyaartoy ayaa shaki la’aan ku jira liiska xiddigihii ugu fiicnaa kubadda cagta adduunka, waxaanay 13kii sannadood ee ugu dambeeyey ku guuleysteen 11 jeer abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or oo uu Ronaldo ku guuleystay shan mar iyo Messi oo lix jeer la siiyey.

Tartanka Champions League ayay sidoo kale ku guuleysteen sagaal jeer isku-darkooda, waxaana badan Cristiano Ronaldo oo shan mar ku guuleystay, kuwaas oo ahaa afar Real Madrid uu la qaaday iyo hal mar oo uu Manchester United la qaaday. Lionel Messi ayaa isaguna afar mar kula guuleystay Barcelona.

Dhinaca goopl-dhalinta ayaa ay sidoo kale yihiin mishiino, iyadoo Lionel Messi uu taariikh ku samaystay Barcelona oo uu u dhaliyey 672 gool 778 ciyarood oo uu u saftay, halka Ronaldo uu yahay ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid oo uu u saxeexay in ka badan 400 gool, isagoo guud ahaanna dhaliyey 674 gool 896 ciyaarood oo uu saftay.

Haddaba, doodda waqtiga dheer ee labadan ciyaartoy ayaa waxa kusoo biiray Greenwood, waxaana uu dhinac iska dhigay laacibkii hore ee Manchester United ee Cristiano TRonaldo, waxaanu doortay Lionel Messi, isagoo yidhi: “Anigu mar walba waxaan ka helayay Messi. Aniga fikirkayga, waxa uu ka yimid duni kale.

“Ronaldo way iska caddahay inuu yahay ciyaar cajiib ah, jidh ahaan iyo ciyaartoy ahaanba, laakiin waxa uu Messi sameeyey ayaa baaxad leh, waxa uu u qabtay Barcelona iyo koobka uu u qaaday Argentina, waxa uu gaadhay heer kale.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More